Bararka qanjirka taroodhka ee loo yaqaano cuna bacuuc

Qanjirka loo yaqaan Taroodhka oo barar sameeya waxay kalifaysaa in cunaha oo dhan uu bararo waxaana loo yaqaan Cuna bucuus. Qanjirka taroodku wuxuu ku yaalaa xaga hore ee qoorta, khaas ahaan xaga danbe ee curta.

Wuxuu masuul ka yahay soo saarista dheecaanada masuulka ka ah koritaanka iyo qaybinta cuntada ee jirka. Xadiga uu le ekaanayo bararka qanjirku iyo sida ay u kala daran yihiin calaamadaha uu dareemayo qofku marka qanjirku jiran yahay waxay ku xiran yihiin qofka.

Mararka qaarkood bararka qanjirku waa mid iska yar oo aan saamayn wayn ku yeelan karin qofka, balse xiliyada qaarkood bararku wuxuu noqon karaa mid halis ah oo xataa sababi kara in qofku qaadan waayo neefta.

Maxaa sababa cuna bacuuc?

Waxyaalo badan ayaa sababa cuna bucuuca, waxaase kamid ah kuwa ugu badan;

Maadada Iodine oo jirka ku yaraata: maadada iodine waxaa laga helaa cuntada bada iyo qudrada cagaaran iyo caanaha lo’oda. Maadadaas oo jirka qofka kamaqan waxay sabab wayn u noqotaa qanjirka taroodka oo jirada, kadibna qofka waxaa lagu arkayaa cuna bucuuc oo ah calaamad kamid ah calaamadaha lagu garto qofka qanjirkaas kajiran. Qanjirka tarood wuxuu u baahan yahay maadada iodine si uu u qabto shaqooyinkii uu jirka u hayay.

Hab dhiska Difaaca jirka oo soo weerara qanjirka taroodka: sababta ugu badan ee keenta cuna bucuuca ee wadamada soo koraya waa hab dhiska difaaca jirka oo soo weerara jirka siiba qanjirka taroodka. Dumarka ka wayn 40 sano ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saamayso arintaan, waxayna u badan tahay inay dadkaan ka keeneen xaga waalidkood.

Qanjirka Tarodka oo shaqa yareeya: qanjirka taroodka oo joojiya ama yareeya shaqadii jirka muhiimka u ahayd waxay kamid tahay waxyaabaha sababa cuna bucuuca. Sababtoo ah qanjirka taroodku wuxuu soo daynayaa dheecaano ka yar intii looga baahnaa, barar ku yimaada cunaha ayaana jawaab u ah, cuna bucuuc.

Qanjirka taroodka oo qabta shaqo ka badan intii looga baahan: qanjirka taroodka oo soo daaya dheecano kabadan intii hore waxay kamid tahay waxyaalaha sababa in qofka cunuhu bararo.

Astaamaha

Badanaa cuna bucuucu malahan calaamado u gaara oo lagu garto. Balse waxaa jira dhawr astaamood oo lagu arki karo.

  • Qoorta ama Cunaha oo laga dareemo ciriiri
  • Qufac iyo codka oo yar yaraada.
  • Cuntada oo liqideedu adkaato.
  • Mar marka qaarkood neefsashada oo adkaata .

Dhibaatooyinka lala xiriiriyo xaaladaan

Qanjirka taroodka oo ka  barara xaga hoose ee qoorta qofka, gaar ahaan curta hoosteeda waxay dhakhaatiirta ku khasbaysaa inay ka shakiyaan waxa cunahaaga ama qoortaada ka buuran. Wuxuu bararkaasi ahaan karaan wax yar ama mid wayn balse waxay mar walba ku xiran tahay inta dhibaatadu gaarsiisan tahay. Hadii cuna bucuucu yahay mid wayn oo samaynaya barar badan waxay keeni kartaa in neefsashadu dhib noqoto. Codka oo yaraada, qufac iyo liqida oo dhib noqota. Mararka qaarkood qofku wuxuu dareemi karaa dawakhaad ama wareer.

Hadii bararka cuna bucuuca ku hayaa yahay mid yar oo aan waynayn, wax walwal ah haka qaadin, siiba hadii uusan qofku wax calaamadaa lahayn. Cuna bucuuca noociisa bararka sameeya oo waynaada waxay saamayn ku yeelata neefsashada qofka iyo codka.

Hurdada oo yaraata, daal iyo miisaanka oo yaraada ama bata. Ugu danbayn waa inaad ogaataa in cuna bucuuc uusan ahayn xanuun balse uu yahay calaamad ama astaan kamid ah astaamaha lagu garto in qanjirka taroodku inuu jiran yahay.