Wax ka baro xanuunka qallalka iyo noocyada uu u kala baxo

Qalalka waxaa sababa qalad ka dhaca habka dareemayashaa dhexyaalka ah, taasoo sababeysa in carqalad ay ku timaado shaqooyinka neerfayaasha, arintaan waxey dhalineysaa qallal, ama waqti kooban oo qofku dareemo dareeno kala duwan iyo in qofku uu si kumeel gaar ah u miyir daboolmo.

Astaamaha qallalka waa kuwo si weyn u kala duwanaan kara inta badan, dadka qaar wuxuu qallal kaga dhacaa indhaha oo kaliya halka dadka qaarna ay ka gariiraan lugaha iyo gacmaha.

Boqolkiiba 10 dadka qaar waxaa ku dhaca hal dhacda oo qallal ah oo aan la garaneyn waxa sababay, dadka noocaan oo kale laguma tilmaami karo iney qabaan xanuunka qallalka. Ugu yaraan waxaa loo baahan yahay 2 dhacdo oo qalllal ah oo iskood u yimaado si qofka loogu tilmaamo inuu qabo xanuunka qallalka

Qallalada khafiifka ah xitaa waa kuwo u baahan in la daweeyo, sababtoo ah waxey noqon karaan kuwo halistooda wata marka qofka uu kaxeynayo gaari ama uu dabaalanayo. Daweynta waxaa loo adeegsan karaa dawo ama qalliin si loo xakameeyo qallalka. Caruurta qaar waa kuwo ka kora xanuunkaan.

Astaamaha xanuunkaan

Qallal waxaa sababa shaqa aan caadi aheyn oo ka dhacda gudaha unugyada maskaxda. Astaamaha xanuunkaan waxaa ka mid ah

  • Dawakhaad kooban
  • Indha taagni kooban
  • Jareyn aan xad laheyn oo lagu arko lugaha iyo gacmaha
  • Qofka oo miyir daboolma
  • Astaamaha dhimirka

Astaamahaan waa kuwo la xiriira nooca qaallka, inta badan dadka qaba xanuunkaan waxaa ku soo laalaabta hal nooc oo kaliya, xili kasta oo  ay qallalaan.

Daqaatiirta waxey inta badan u kala saaraan laba nooc oo lakala yiraahdo focal iyo generalized ayadoo lagu saleynaayo sida ay ku bilaabato shaqada maskaxda ee sababta in qofku uu qallalo

Qallalka focal

Waa marka qallalka qofku uu ka dhasho shaqa aan caadi aheyn oo ka bilaabatay hal aag oo maskaxda ka mid ah waxaana loo kala saaraa

  • Focal qallal oo aan la socon miyir daboolmid (partial seizures) noocaan ma keeno miyir daboolmid. Waxaa isbedel ku imaan kara shucuurta iyo sida ay waxyaabaha ula muuqdaan
  • Focal dyscognitive seizure qallalka noocaan ah waxaa wehliya miyir daboolmid iyo isbedel ku dhaca iska warqabidda qofka

Astaamaha qallal waxa lagu qaldaa inta badan cilladaha neerfaha sida goonjab, narcolepsy iyo xanuunada dhimirka. Waxaa loo bahan yahay baritaano dhameystiran si loo kala saaro cilladahaan

Qallalka guud 

Qallalka noocaan ah wuxuu u muuqdaa in uu kadhasho shaqooyinka guud ee ka dhaca maskaxda guud ahaan waxaa jira lix nooc oo kala ah:

  • Absence seizure: waa qallal inta badan ku dhaca caruurta, waxaana lagu gartaa cirka oo indhaha lagu taago, iyo dhaqaaq dahsoon oo indhaha ah, qallalkaan waa mid sababa dawakhaad yar
  • Tonic seizures: waa qallal sababa adeyga murqaha dhabarka, lugaha iyo gacmaha
  • Atonic seizures: waa qallal sababa xakameynta murqaha oo lunta taas oo sababeysa in qofka uu jooga ka dhaco
  • Clonic seizures: waa qallal lala xiriiriyo jareynta murqaha sida qoorta, wejiga iyo gacmaha
  • Myoclonic seizures: waa qallal u muuqda sida jareyn gaaban oo lugaha iyo gacmaha ah
  • Tonic-clonic seizures: waa qallal sababi kara in miyirka uu si dhaqsa ah u lumo, jirka oo adkaada iyo jareyn iyo in mararka qaar qofku uu gabo xakameynta kaadi haysta iyo in qofku uu carabka iska qaniino

Maxaa sababa xanuunka qallalka

Qallal ma ahan xanuun qaba sababe farta lagu fiiqi karo marka la fiiriyo kala bar dadka la dhiban waxaase loo sababeyaa

  • Hidde side qaldan oo fududeeya in qofku uu qallalo
  • Jug soo gaarta madaxa
  • Xaaladaha kudhaca maskaxa, sida buro iyo xanuunka faalug
  • Cudurada faafa sida qoorgooye caabuqa maskaxda sida ka fayruska sababo
  • Dhaawac ubadka soo gaara inta uusan dhalan ka hor iyo dhibaatooyinka dhalmada ka hor, sida nafaqo yari, ogsijin la aan
  • Cilladaha korriimada sida cillada autism iyo neurofibromatosis

Dhibaatooyinka la xiriira

Qofka hadii uu qallalo xiliyada qaar waxey ku noqon kartaa arin halis ku ah naftiisa sida:

  • Dhicid
  • Qarqid xiliga dabaasha
  • Shil gaari
  • Dhibaatooyinka uu u keedi karo uurka
  • Dhibaatooyin nafsi ah