Baaritaannada kuhaboon ragga si ay uga warqabaan caafimaadkooda

Maka fikiraysaa in aad xaruun caafimaad booqato si aad xaaladdaada caafimaad oo aadan beryo baarin uga wardoonto ama dhaqtar uu kaala taliyo heerka caafimaad ee jirkaaga. Haddaba waad ku saxantahay in aad is hubiso kana warhayso halka iyo heerka caafimaadkaaga.

Haddii ay da’daada u dhaxeyso 40 jir ilaa 60 jir xanuunnada ay tahay in aad iska baarto ayaan kula wadaagaynaa, kuwaas oo kaa dhigi kara qof awood u leh in uu hayo dhammaan xogaha caafimaad ee jirkiisa si aad u martid baaritaannada kugu habboon.

Hubi cadaadiska dhiiggaaga

Heerka cadaadis ee qulqulka dhiigga ku socda xididdada jirka iyo garaaca wadnaha ayaa lagu ogaada in aad gacantaada qaybta sare kuxirto mashiinka cabbirka dhiigga waana arrin waxtar caafimaad oo wayn leh ka warqabka cadaadiska dhiigga marwalbaa, si gaar ah da’da 40 ka iyo wixii ka sarreeya.

Meel dhaxaadka 120/90 ayaa ah barta caafimaad ee laga cabir qaato qofka caafimadka qaba, haddii heerka uu ka sara maro 140/90 waxa loo yaqan xaalad dhiig kacsanaan, taas oo muujinaysa xanuun dhiig kar, faallug ama dhib wadnaha la xiriirta.

Marka xaaladda kor u kaca cadaadiska dhiigga aad la kulanto dhaqtarkaaga waxa uu kuu qori doonaa daawooyin hoos u dhiga cadaadiska dhiigga, cunno caafimaad leh, ama aalamiito jirdhis ah si loo saxo loona joogteeyo fayawqabka caafimaad.

Talo: Hubi cadaadiska dhiigga sannadkii hal jeer.

Baarista kolestarool

Kolestarool kacsan waa qatar caafimaad oo weerar ku keenaysa wadnaha, in ruuxa da’diisu ka wayntahay 40 jirka uu si dhaw uga warhayana waa waajib, maxaa caadi ah iyo maxaan ahayn xaddiga caadiga ah ayaad u baahantahy in aad kala garato.

Wadarta guud ee kolestraool ka yar 200 ayaa ah xaddiga caadiga ah. HDL oo ah Kolestorolka fiican waa in uu 60 ahaada am ka sarreeyaa, halka nooca loo yaqaan LDL koleestoroolka xun uu qiyaastisa dhexdhexaad yahay 100 wixii ka hooseeya.

Talo: Shanti sano hal mar ayaa habboon in aad iska baarto kolestarool.

Xog dheeraad ah oo la xiriirta xaaladdan ka eeg: Kolesterool kacsan

Baaritaanka sonkorta dhiigga

Inta aadan iska baarin heerka sonkor ee dhex ceegaagta dhiiggaaga, waxaa qasab ah inaad soonta 8 saacadood inta aadan isbaarin kahor, si markaas loo cabbiro heerka sonkorta dhiigga ee caafimaad ahaan waxaa looyaqaanaa Fasting Blood Sugar.

Tirada 100 iyo wixii ka hooseeya waa xaalad caafimaad qab, balse marka sonkortaadu ka sara marto 126 waxaa laga walwalayaa cudurka macaanka.

Talo: Iska baar macaanka 3 dii sanno hal mar.

Cashar aad kaga bogato saameynta sonkoroowga: Waa maxay dhibaatooyinka sonkoroowga

Baarista Kansarka mindhiciraha waaweyn

Kaankarada mindhicaraha waaweyn ku dhacda waa khatar ay tahay in baaritaan hordhac ah laga sii samaeeyo sida shucaac eegtada colonoscopy oo lagu xiro gudaha mindhicarada ayaa xaqiijinaya jiritaanka kansarka.

Tal: Haddii qoyskaaga qof kamid ah qabo xanuunkan in aad iska baarto marka aad gaarto 40 jirka, haddii qoyska ka badqabo kansarkan 10 kii sanno ayaad mar iska baari kartaa.

Cashar ka hadlaya kansarka ku dhaca mindhicirada waaweyn

Halbeegga Miisaan ee jirka

Tijaabo caafimaad ma ahan arrintaan waa se cabbir tirooyin la adeegsado  iyada oo loo eegaayo culayskaaga iyo dhererkaaga.

18.5 ilaa 24.9 waa cabbirka saxda ah ee qof fayaw laga rabo, haddiise aad 25 ilaa 29 ka keento xisaabta cabbirka BMI  waxa aad dhaaftay xaddiga caadiga ah, waana xaalad aan caafimaad ahaan kuu wanaagsaneyn

Marka cabbirka BMI gaagu ka waynyahay 25 waxaad khatar ugu jirtaa xanuunno dhawr ah sida cudurka macaanka, wadna xanuun.

Talo: Cabbirkan waxaa la sameeyaa mar walba oo aad dhaqtar booqato.

Kaankarada sambabaha

Dad ka sida ba’an u caba sigaarka ayaa ah kuwa qatarta ugu jira kansarkan, gaar ahaan dadka 15 kii sano ee u danbaysay qaatay xaddi sigaar oo badan da’dooduna gaartay 55. Dhaqtarkaagu waxa uu xaaladdan xaqiijin karaa kaliya marka lagu eego shucaaca CT Scan.

Talo: Baarista kaankaradan waa mid laga rabo sigaar cabayasha gaaray 55 jir.

Akhriso cashar ka hadlaya kansarka ku dhaca sambabada

Baarista HIV

Xanuunka HIV dadka qaba 20% boqolkiiba waa warmoogayaal aan ka warqabin in uu haleelay, saas awgeed in layska baaro waa arrin aad u muhiim ah,  ragga u galmooda ragga, kuwa adeegsada balwadda cirbadaha layskula mudo, iyo dad ka aan samayn galmo ammaan ah ayaa qaada xanuunkaan.

Dhaqtarkaaga si uu cudurkan kaaga baaro waxa uu shaybaarka u diraya dhiig ama candhuuf lagaa qaaday. Baaritaan hal jeer oo ah cumrigaaga ah aya lagugula talinayaa in aad xarunta caafimaad tagto oo aad marto baaristan.

Akhriso cashar ka hadlaya xanuunka HIV/AIDs

Baarista cagaarshowga nooca C

Cudurkan oo ah mid qarsoon oo fayruskiisa aan dhaqso lagu ogaan ayaa ay dhaqaatiirtu ku talinayaan in ruux walba oo da’da 40 ka gaaray uu iska baaro. Cagaarshowga noociisa C waxa uu ku faafa dhiigga qof qaba oo u gudba ruux fayaw, sida in cirbad lala wadaago qofka sida fayruska.

Talo: Waxaad samaynaysaa baaristan 1 mar oo ka mid ah cumrigaaga, ama goortii aad ka shakiso.

Akhriso casharka ka hadlaya xanuunka cagaarshow noociisa C