Xaaladda beerdareynta borotiinka

Beerdareynta borotiinka waa cillad ku dhacda kilyaha, cilladdaan waxey sababeysaa in kilyaha ay borotiin badan ku daraan kaadida.

Xaaladdaan waxaa loo yaqaanaa nephrotic syndrome, waxaa inta badan sababa dhaawac soo gaara qeybo kamid ah xididda yaryarka ah ee ku jira gudaha kilyaha ee wasakhda iyo biyaha dheeriga ah kamiira dhiiga. Beerdareynta borotiintka waxey sababeysaa barar lagu arko jirka gaar ahaan lugaha iyo anqawyada, sidoo kale waxey keeni kartaa dhibaatooyin kale oo caafimaad.

Dawada nephrotic syndrome waxey isugu jirtaa daweynta waxa qarsan ee sababaya in kilyaha ay beerdareeyaan borotiin. Xaaladdaan waxey kor uqaadi kartaa halista jirkaaga uu ugu jiro iney soo wajahaan infekshano iyo in dhiiga uu xinjiroobi. Dhaqtarada waxey kula taliyaan bukaannada qaba xanuunkaan iney qaataan dawooyin iyo in ay sameeyaan isbedel dhank cunnada ah si looga hortago dhibaatooyinka kale oo ay keento xaalladda beerdareynta borotiinka.

Astaamaha

Calaamadaha iyo astaamaha ay leedahay xaaladda nephrotic syndrome waxaa kamid ah:

  • Barar daran oo lagu arko jirka gaar ahaan hareeraha indhaha, anqawyada iyo lugaha
  • Kaadi xumbo wadata
  • Misaanka oo kordha bararka awgiis
  • Daal badan
  • Rabitaanka cunnada oo yaraada

|| Fadlan booqo dhaqtarka cudurada guud hadii aad isku aragtid calaamadaha kor ku xusan. ||

Sababaha

Xaaladda beerdareynta borotiin ee loo yaqaano nephrotic syndrome waxaa inta badan sababo dhaawac soo gaara koox kamid ah xididada yarayr ee loo yaqaano (glomeruli) ee kujira gudaha kilyaha.

Glomeruli-ha waxey dhiiga kamiiraan wax yaabaha aan jirkaaga u wanaagsaneyn, xididdaan yaryar marka ay caafimaad qabaan waxey kaadida ka ilaaliyaan borotiinada (gaar ahaan borotiinka loo yaqaano albumin), borotiinkaan wuxuu muhiimad weyn u leeyahay in jirka ay ku haraan biyo xadigooda wanaagsan yahay. Marka ay dhaawacmaan xididdada yaryar waxey ogolaadaan in jirka uu borotiin badan ku beerdareeyo kaadida, kedib waxaa dhalanaya xaaladda loo yaqaano nephrotic syndrome

Waxyaabaha kala duwan ee sababi karo xaaladdaan

Waxaa jira xanuunno badan oo sababi kara in xididda yaryar ee loo yaqaano glomeruli ay dhaawacmaan, waxaana kamid ah:

  • Kilya xanuunka sonkoroowga
  • Minimal change disease. Xanuunkaan waa midka ugu caansan ee sababa beerdareynta borotiinka ee ku dhaca caruurta, xanuunkaan wuxuu isbedel kusameynayaa shaqada kilyaha, hasa yeeshee marka nudaha kilida lagu fiiriyo mikariskoob, nudaha wuxuu u muuqdaa si caadi ah ama in uu jiro isbedel yar. Waxa dhabta ah ee sababaya isbedelka shaqada si sax ah looma garan karo.
  • Focal segmental glomerulscelerosis. Waxaa lagu yaqaanaa boogaga lagu arko koox kamid ah glomeruli, xaaladdaan waxey ka dhalan kartaa xaalado kale oo caafimaad ama waxey noqon kartaa mid hiddo ah, sidoo kale waxey ku imaan kartaa sabab la’aan.
  • Membranous nephropathy. Cilladaan ku dhacda kilyaha waxey timaadaa marka xuubka glomeruli-ha uu adkaado, sababta adkeysana ma ahan mid lagaranaayo, hasa yeeshee mararka qaar waxaa lala xiriiriyaa xanuuno kale sida cagaarshoow B, duumo, lupus iyo kansar.
  • Systemic lupus erythematosus. Waa caabuq joogta ah oo dhaawac halis ah ku sababi kara kilyaha.
  • Amyloidosis. Cilladdaan waxey dhacdaa marka walax la yiraahdo amyloid protein ay kabuuxsamaan xubanaha gudaha, walaxdaan marka kilyaha ka buuxsanto waxey saameyn ku keenaan wasakh saaridda kilyaha
  • Xinjir ku sameysanta arooraha killida. Xinjiroow ka dhaca arooraaha kilida waxey keeni kartaa nephrotic syndrome oo ah beerdareynta borotiinka.

Dhibaatooyinka wehliya beerdareynta borotiinka

  • Xinjiro ku sameysma gudaha dhiiga. Beerdareynta borotiinka ayaa sababi karta in jirka uu lumiyo borotiinada maamulo habka ay xinjirta u sameysanto, arintaan waxey kor uqaadeysaa halista ah in arooraha killida ay xinjir xerto
  • Kolesterool kacsan. Marka jirka ay ka baxaan borotiin badan gaar ahaan borotiinka albumin, beerka wuxuu isku dayayaa inuu dhiiga kusoo shubo borotiin badan sidoo kale beerka wuxuu soo daayaa kolesterool badan.
  • Nafaqo xumo. Marka jirka uu dhumiyo borotiin badan waxaa hoos udhaca miisaanka jirka, laakin hoos u dhacaas waxaa qariyo bararka jirka. Sidoo kale waxaa dhici karaa dhiigyari iyo vitamin D iyo macdanta kaalshiyaam oo yaraada
  • Dhiig kar. Dhaawaca soo gaara glomeruli iyo wasakhda kubadaneysa dhiiga gaar ahaan wasakhda loo yaqaano (Uremia) waxey kor uqaadaan cadaadiska dhiiga.
  • Kilyaha oo si degdeg ah ku fashilma. Hadii killida ay gabto awoodi ay ku nadiifineysay dhiiga dhaawac soo garay xididdada glomeruli awgeed, waxaa durbadi dhiiga buux dhaafinaya wasakh, hadii arintaan ay dhacdo waxaa laga yaabaa in loo baahdo kilyo dhaqis degdeg ah- oo ah mashiin lagu xero dhiiga si jirka looga saaro wasakhda.
  • Xanuun joogta ah oo soo wajaha kilyaha. Nephrotic syndrome waxaa laga yaabaa inuu sababo in kilyahaaga ay si tartiib tartiib ah u howl gabaan. Hadii ay shaqada killida aad hoos ugu dhacdo waxaa loo bahanayaa kilyo dhaqis ama in kilida la bedelo.
  • Dadka la nool beerdareynta borotiinka waxey halis ugu jiraan iney jirkooda ku dhacaan infekshano kala duwan.

Baaritaanka

Baaritaannada la sameeyo si loo ogaado iney jirto xaaladaan waxaa kamid ah:

  • Baaritaanka kaadida. Urinalysis waa baaritaanka kaadida ee lagu ogaado qaladaadka kaadida, sida xaddiga borotiin ee kujira kaadida, qofka lanool nephrotic syndrome waxaa laga yaabaa in laga qaado kaadi 24 saacadood si loo ogaado cabirka borotiinka saxda ah ee kujira kaadida qofka.
  • Baaritaannada dhiiga. Dhiiga waxaa laga yaabaa in lagu arko cabirka borotiinka oo hooseya (hypoalbuminemia) iyo guud ahaan borotiinnada kala duwan ee jirka. Sidoo kale waxaa lagu arkaa kolesterool heerkiisu sareeyo. Waxaa la isticmaalaa heerka maadooyinka creatinine iyo urea si loo cabiro shaqada guud ee kilyaha.
  • Baaritaanka cad yar laga soo gooyo killida. Dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu dalbado nidaam loo yaqaano kidney biopsy oo ah in cad yar laga soo gooyo killida si loo baaro, marka la sameynaayo kidney biopsy waxaa cirbad gooni ah la geliyaa dhanka killida, kedib waxaa lasoo gooyaa cad yar oo loo diro sheybaarka.

Dawada

Daweynta nephrotic syndrome waxaa laga bilaabaa in la daweeyo xaalad kasta oo qarsan oo sababeysa in jirka uu beerdareeyo borotiinka, dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu kuu qoro dawooyinka loogu talo galay in lagu maareeyo calaamadaha iyo astaamaha ka dhasha xanuunkaan, dawooyinkaas waxaa kamid ah:

  • Dawooyinka dhiig karka
  • Dawooyinka kaadida badiya
  • Dawooyinka lagu dajiyo kolesteroolka
  • Dawooyinka qafiifiya dhiiga
  • Dawooyinka lagu caburiyo difaaca jirka

Qaab nololeedka iyo sida guriga loogu daryeelo xanuunka beerdareynta borotiinka

Isbedel aad ku sameysid cunnadaada ayaa kaa caawin karta sidi aad ula qabsan laheyd xanuunka nephrotic syndrome. Dhaqtarkaaga waxaa laga yaabaa inuu kuu diro xirfadle caafimaad oo ku taqasusay cunnada si aad u ogaatid waxa aad cuni kartid si aad u yareeysid dhibaatooyinka xanuunka beerdareynta borotiinka. Cunno yaqaanka waxaa laga yaabaa inuu kugula taliyo:

  • Inaad dooratid hilib jiir ah si aad u heshid borotiin fiican
  • Inaad yareesid xadiga dufanta iyo kolesteroolka ee ku jira cunnada aad cuneysid si aad u xakameysid heerka kolesteroolka dhiigaaga
  • Inaad cuntid cunno aysan ku badneyn cusbada si aad u yareeysid bararka
  • Inaad yareysid cunnooyinka kiciya cabirka sonkorta ee dhiiga, gaar ahaan marka aad qaadaneysid dawooyinka miisaanka siyaadiya ee loogu talo galay in lagu caburiyo difaaca jirka

Dadka qaar ee la nool beerdareynta borotiinka waxaa laga yaabaa iney ku yartahay maadada zinc. Cilmi baaris dhawaan lasameeyay ayaa sheegeysa in daawada ay la socoto maadada zinc ay caawineyso caruurta la nool xanuunka nephrotic syndrome.